Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-murtiyeed wadajir ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan Bilowga Wada-xaajoodyada Horumarinta Ganacsiga Maarso 2022.

Wasiiru dowlaha ganacsiga iyo isdhexgalka Bariga Afrika ee Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta si rasmi ah u daah furay wada-xaajoodyo ganacsi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026

1. Wasiirradu waxa ay isla garteen muhiimadda ay wada-hadalladan u leeyihiin shaqo abuurka iyo maalgashiga dhinacyada ganacsiga iyo warshadaha labada dal, waxayna go’aansadeen in la bilaabo wadatashiyo ku aaddan xoojinta xiriirka Ganacsi.

2. Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bilaabayaan wada-xaajood ku saabsan yagleelidda heshiis ka ganacsiyada isaga kala goosha xuduudaha iyada oo ujeedadu tahay in la fududeeyo badeecooyinka muwaadiniin ta labada dal iyo in la yareeyo ganacsiga aan rasmiga ahayn ee xuduudaha.

3.Labada wasaaradood waxa kale oo ay ka wada hadleen oo ay heshiis ku ku gaareen in ay wadahadlaan kadibna ay kala saxeexdaan heshiis ganacsi oo laba geesood ah kaas oo kaabaya dadaallada isdhexgalka gobolka iyo Afrika oo ay ka mid yihiin Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga & Koofurta Afrika ee COMESA iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

4.Labada Wasiir waxa ay kaloo ku heshiiyeen in la dhiso guddi ganacsi oo isku dhaf ah oo fududeeya shuruudo lagu sii xoojinayo xiriirka ganacsi ee labada dal iyo kordhinta mugga ganacsiga.

5. Wasiirradu waxa ay isla asteeyeen hawlaha mudnaanta leh ee kor u qaadaya isku xirka ganacsiga & dhiirrigelinta isdhaafsiga ganacsi ee labada dal. Sidaa awgeed, wasiirradu waxay isku raaceen in la fududeeyo abaabulka golayaasha ganacsiga, is- dhaafsiga khubarada iyo barnaamijyada khibrad-wadaagga.

6. Laba dhinac waxa ka go’an natiijo guulaysata oo ka dhigaysa shaqaalaha, beeralayda, iyo ganacsatada labada wadanba kuwo barwaaqooba.

Ugu danbeyn, Mudane Khaliif Cabdi ayaa ku casuumay dhiggiisa Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wafdigiisa in ay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Previous Post

XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay warshad Oxygen

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wada kullamo lagu xoojinayo xiriirka wasaaraddaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In