Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay warshad Oxygen

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay warshad Oxygen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur oo ay wehliso madaxa hey’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya Ewa Naqfi, ayaa maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, iyagoo u yimid daah furka mashruuc mudo soo socday oo lagu hirgaliyay warshad soo saari doonta Oxygen-ta oo baahi wayn loo qabay taasi oo laga hirgaliyay Isbitaalka weyn ee Gobolka.

Wasiir Fowsiya iyo Mas’uuliyiinta IOM ayaa warbixin ku aadan warshadan iyo sida ay muhiimka ugu tahay reer Galmudug waxaa kaga waramey wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac isagoona sheegay in baahiweyn looqab.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ewa Naqfi Madaxa IOM ee Soomaaliya ayaa is dul-taagtay in hirgalinta warshadani aysan kaliya muhiim u aheyn COVID-19 oo kaliya balse ay wax badan katari doonto bukaanada ay saameeyaan abaaraha, iyo colaadaha.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur ayaa munaasabada furitaanka ka balan qaaday in ay Galmudug kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa dad Soomaali ah oo warshadan iyo kuwa lamidka ah ka shaqeeya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur oo dhowr saacadood ku sugnayd Dhuusamareeb ayaa sidoo kale ka qayb gashey oo shir guddoomisey shirka 3-biloodlaha ah ee iskuxirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay ka qayb galeen hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, iyadoo sidoo kale booqatay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo loogu sameeyay soo dhaweyn iyo qado sharaf maamuuskeedu sareeyo.

Previous Post

Somalia calls for urgent donor support as drought affects 6.9 mln people

Next Post

DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya

Next Post
DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya

DFS oo heshiis Ganacsi lagashay Dalka Itoobiya

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In