Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO ee Anshaxa Garaadka Macmalka, oo maanta ka furmay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirweynahan oo soconaya 14 ilaa 17 Sebtembar 2026, waxaa si wadajir ah u qabanqaabinaya UNESCO iyo Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana ka qaybgalaya dowlado, hay’ado caalami ah, khubaro, aqoonyahanno, wakiillo ka socda qaybaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Hal-ku-dhegga shirweynaha sanadkan ayaa ah: “Transforming Global Cooperation for Ethical AI Governance” (Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Anshaxa Leh ee Garaadka Macmalka ah), kaas oo xoogga saaraya xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo helo hannaan lagu maamulo Garaadka Macmalka ah oo ku dhisan mas’uuliyad, anshax iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama dalka uu ku jiro marxalad lagu horumarinayo siyaasadaha iyo sharciyada la xiriira isbeddelka dhijitaalka ah iyo Garaadka Macmalka ah.

Wasiir Axmed Diiriye ayaa sidoo kale ka qaybgalaya dood heer wasiirro ah, isagoo madasha ku soo bandhigaya muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee Garaadka Macmalka ah (AI) iyo doorka dowladuhu ku leeyihiin dejinta siyaasadaha iyo hannaan maamul oo hubinaya in AI loo adeegsado si mas’uuliyad iyo anshax leh.

Madashan ayaa sidoo kale ah markii ugu horreysay ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Anshaxa AI lagu qabto dal Carbeed, iyadoo Riyaadh ay martigelinayso wakiillo caalami ah iyo go’aan-qaadayaal ka kala socda dalal badan.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa fursad u siinaya inay la wadaagto khibraddeeda ku aaddan isbeddelka dhijitaalka ah, isla markaana ay ka faa’iidaysato aqoonta, iskaashiga iyo taageerada farsamo ee caalamiga ah ee ku saabsan maamulka iyo isticmaalka mas’uuliyadda leh ee Garaadka Macmalka ah.

Previous Post

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Next Post

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Next Post
Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In