Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS Mudane Xuseen Cali Xaaji iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa in Wasiir Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta Wasaaraddu ay ka jawaabaan su’aalo dheeraad ah oo xubnaha Guddigu ka qabeen Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, iyo in faahfaahin, fasiraad iyo sharraxaad dheeraad ah laga bixiyo qaar ka mid ah qodobbada hindise-sharciyeedka.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Xuseen Cali Xaaji, iyo xubnihii kale ee la socday ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay xubnaha Guddigu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka, iyagoo sidoo kale bixiyay fasiraad iyo sharraxaad dheeraad ah oo ku saabsan qodobbada u baahnaa in la caddeeyo.
Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, oo kulanka shir-guddoominaysay, ayaa uga mahadcelisay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada sida ay uga jawaabeen su’aalihii Guddiga iyo faahfaahinta ay ka bixiyeen qodobbada hindise-sharciyeedka.
Sanatarku waxay tilmaantay in kulamada iyo wadatashiyada noocan ah ay muhiim u yihiin hubinta in qodobbada sharcigu noqdaan kuwo si cad loo qeexay, la fahmi karo, isla markaana waafaqsan baahida, duruufaha iyo danta guud ee Qaranka.










