Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo xalay howlgalo sameeyay Degmada Hodan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo xalay  howlgalo sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka sameeyay Degmasda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Howgalkaan oo qaatay saacad badan ayaa intuu socday waxaa ay ciidamada gacanta kusoo dhigeen 400 ruux oo lagu tumaayo in ay gacan saar la leeyihiin Maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Howgalka ayaa Ciidamada waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobollka Banaadir Maxamed C/llahi Maxamed Tuulax iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo kuwaasoo ku amaanay Ciidamada shaqada ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ku nool Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa sheegay in Howgalkaan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga Degmada iyo Gobolka oo dhan.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ka dib markii uu soo dhamaaday Howgalku ayaa sheegay inuu ku amaanayo Ciidamada Amniga Soomaaliya shaqada adag ee ay u haayaan bulshada Soomaaliya waxaa uuna tilmaamay in la sii wadi doono dadaalada lagu xaqiijinaayo amniga Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso Codadka Guddoomiyaasha:

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/02/codadka-hodan.mp3
Previous Post

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud

Next Post

Dhageyso: Howgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab oo laga sameeyay Baladweyn

Next Post
Dhageyso: Howgalo ka dhan ah maleeshiyaadka  Al shabaab oo laga sameeyay Baladweyn

Dhageyso: Howgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab oo laga sameeyay Baladweyn

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In