Bulshada Soomaaliyeed ee ku noo magaalooyinka Muqdisho iyo boosaaso ayaa soo dhaweeyay go,aankii Dowladda Federaalka ASoomaaliya ka qaadatay heshiiska Maamulka Soomaliland la galay shirkadda Imaaraadka ee magaceeda loo soo gaabiyo DP WORLD.
Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ka sheegay in ay soo dhaweynayaan go,aanka Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya iyo guudahaanba Dowladu ka qaadatay heshiiska wax kama jiraanka ahaa oo Maamulka Soomaliland la galay shirka dhismaha dekedaha ee Imaaraadka DP WORLD.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed ayaa go,aanka dhan ah heshiiska Maamulka Soomaliland la galay shirkadda DP WORLD ka qaadatay sheegtayna inuu yahay waxba kama jiraan maadaamada aysan jirin heshiis nuucaana gali karta oo aan ahayn Dowladda dhexe.
12 bishaan ayay ahyd markii Golaha shacabka federaalka Soomaaliya kulankoodii 1aad ee kalfadhigii sedexaad ku sheegeen in Maamulka Soomaliland heshiiska Dekedda Berbera uu ahaa mid been abuur ah.
Halkaan hoose ka dhageyso Codadka bulshada: