Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Dalka masar mudane C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka Wasiiradda Arrimaha diba Dalalka ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta.
mudane C/qani Maxamed Wacays Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka masar ayaa sheegay in sanadkaan Soomaaliya shirka Wasiiradda Jaamacadda Carabta hor gaysay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah shirkadda DP WORLD oo laga leeyahay Dalka imaaraadka taaso heshiis maal gashi ee Dekedda Berbera la gashay Maamulka Soomaaliland.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka masar u fadhiya mudane C/qani Maxamed Wacays ayaa tilmaamay in dacwadaan oo daba joogta hadalkii dhawaan kasoo jeeray R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya kaasoo ku aadanaa in Dowladda Soomaaliya aqoonsanayn heshiiska shirkadda DP WORLD la gashay Maamulka Soomaaliland.
Maamulka Soomaaliyeed ee Soomaaliland maamulana Gobalada waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis horumarineed la galay Dowladda Itoobiya iyo shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Dalka imaaraadka hasa-yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay heshiiskaas iyadoona tilmaantay inaan lagala tashan Maalgashiga Dekedda Qaranka Soomaaliyeed ee Magaalada Berbera.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Safiirka: