Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay Wasaaraddu dadaal xooggan ku bixinayso dhamaystirka Dastuurka Dalka hadana ay wadaan qorshayaal bulshada Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka iyo Gobolada Dalka ku gaarsiin lahaayeen kala tashan lahaayeen arrimaha Dastuurka.

Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka xukumadda Federaalka Soomaaliya oo arrimo shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaystirka Dastuurka Qaranka uu yahay mudnaanta Dowladda dhexe.

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dastuurka iyo madaxda Dowladdu isku raaceen qorshe ku aadan sidii dhamaadka sanadkaan 2018 loo dhamayn lahaa shaqada iyo dibu eegista Dastuurka qaranka Soomaaliyeed si Dalka loo gaarsiiyo doorasho marka la gaaro Sanadka 2020-2021.

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay ayaa shalay waxaa ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha Dastuurka Qaranka iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiradda Dastuurka dowladda goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo la filaayo in Maanta lagu soo gaban gabeeyo Baydhabo qodobana laga soo saaro.

Wareysigaan ayuu Wasiir xoosh siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA taasoo bahwadaag la ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed isagoo jooga magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka:

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/03/wasiir-XOOSH.mp3

Previous Post

“Sawirro” Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 15-03-2018

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 15-03-2018

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In