Xaflad lagu maamuusayay dhalshada Nabiga NNKH ayaa lagu qabtay magaaladda Guriceel ee gobalka galgaduud aydoo ay ka qeyb galeen maamulka degmada iyo saraakiisha Ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur “Taar-Dhuleed” ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed guud ahaan ay yihiin dad jecel diintooda.wuxuu ugu baaqay shacabka ay ammaanka kala shaqeeyaan ciidamada si ay suurta gal u noqoto in dadku si nabad ah ay ku cibaadeystaan kuna shaqeystaan.
Culimadii ka qeyb gashay xafladdaas ayaa ka sheekeeyay Dhalashadii iyo taariikhdii Nabiga NNKH, ayagoo dadka ku baraarujiyay inay ku daydaan oo ay ka fogaadaan waxa diintu umadda muslimiinta ah ka reebtay.
Sidoo kale culimada ayaa muxaadaradooda ku dhaleeceeyay dadka aflagaadada iyo marin-habaabinta ku wada diinta Islaamka.