Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga

January 20, 2015
in Wararka
0
Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada xuska 21ka Janaayo oo ku beegan 42 guuradii kasoo wareegtay markii la qoray Farta Soomaaliga 1973-dii.

Maalinta berri ah ayay ku beegan tahay maalintaas oo wargeyskii Xiddigta October lagu soo saaray far Soomaali, isla markaana si toos ah loogu beddelay afafkii qalaad ee dalku isticmaali jiray.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada loo xilsaaray xuska maalintaas Axmed Shabeel ayaa yiri “Maalinta 21-ka janaayo waa maalin ku wayn inta Af-Soomaaliga ku hadasha, maalintaas uu dhaqan galay afkeenu waa maalin si weyn loogu baahan yahay in laga xuso dalkeena”.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo kamid ah gudiga ayaa sheegay in aan la xusin isla markaana aan la qiimeynin maalintaan burburkii kaddib, wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in gobollada iyo degmooyinka waddanka laga xuso maalintaan oo micne wayn u leh dadka Soomaaliyeed.

“Waa maalintii Af-Soomaaliga lagu beddelay Afafkii qalaad, oo maamulka oo dhan laga dhaqan galiyay, manhajkii waxbarashada loo beddelay Af-Soomaali, waa maalin qiimo weyn noo leh” ayuu yiri

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalidu ay dowr weyn ku leedahay nooleynta Afka, dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ayay warbaahintu ku howlanayd horumarinta afka ayadoo aysan jirin hay’ado dowladeed oo u taagan arrintaas.

“25-kii sano ee uu waddanku burburka (dagaallada) ku jiray oo Af-Soomaaliga gacan ku heyntiisa qalqal gashay waxaa dowr wayn ka qaatay warbaahinta, ha noqoto warbaahinta caalamiga ah ee Af-Soomaaliga ku hadasha ama tan gudaha” ayuu yiri.

“Inkastoo tayada su’aalo laga keeni karo haddana waxay qabteen howl weyn oo aan la dhayalsan Karin” ayuu sii raaciyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa magacowday guddi ay ku jiraan dad Af-ka si wanaagsan u yaqaanna, kuwaas oo qaban qaabinaya xuska maalinta Far-Soomaaliga oo maalinta arbacada ah laga xusi doono meelo badan oo dalka ka mid ah.

Previous Post

Ciyaartoy Soomaali ah oo ku guuleystay Koobka Jaaliyadaha ee Dowladda Suudaan qabato

Next Post

Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Next Post
Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya...

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022
0

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana...

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

July 6, 2022
0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar...

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In