Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qeybtii sadexaad ee ciidamo lagu biirinayo ciidamada badda ee maamulka Galmudug ayaa tababar uga furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyadoo ay tababarkani bixinayaan saraakiil khubaro ah oo ku xeeldheer arrimaha badda.

Ciidamadan ayaa muddo tababarkan ku qaadan doona magaalada Gaalkacyo iyadoo kadibna loo qaadi doono dalka dibediisa si ay u qaataan tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira ilaalinta xeebaha dowlad goboleedka Galmudug si ay ula dagaalamayaan kooxaha burcad badeedka iyo argagaxisada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Wasiirka kaluumeysiga,kheyraadka badda iyo dekedaha maamulka Galmudug C/qaadir Cali jaamac Qalabxoor ayaa sheegay in ciidamadan ay muhiimad gaar ah u leeyihiin deegaanada Galmuudg iyo guud ahaan badda Soomaaliya maadaama sida uu tilmaamay ay bateen burcada ka qowleysata xeebaha gobollada dhexe isagoo xusay inay ku filnaan doonaan ilalainta xeebaha iyo ka hortaga burcadbadeeda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay kordheen maraakiibta badaheena ka gurta kalluunka iyo macdanta sidaa darteedna loo bahaanyahay in laga hortago xaalufka ay maarakiibta shisheeye ku hayaan xeebaheena.

horay ayaa mudo laba jeer ah waxaa dalak Jabuuti tababar ugu soo qaatay ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kuwaasoo xiligan howlo muhiim ah ka haya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Previous Post

Aas’aaskii ururka iskaashatooyinka oo loo dabaal degay

Next Post

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Next Post
Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In