Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026

Dhalinyarada oo gaaraya lix qof waxay isugu jireen shan wiil iyo hal gabar waxana ay ka kala tahriibeen Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Mandheera, iyagoo Dhawr sano kuxirnaa Xabsiyo kuyaala dalka Liibiya halkaasoo Ay kuheysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Waxaana maanta Nasiib ay u yeesheen inay dib dalkooda ugusoo laabtaan kadib markii Ay arintaas Dadaal wayn ugashay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ambassador Maryam yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah  ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha iyo  Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM.

Qaar kamid ah dhalinyaradi soo noqday maanta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo umahadceliyey MadaxdaQaranka  iyo  Ambassador Maryan yaasiin Doorkooda Ku aadan soo sii deyntooda. waxayna ka sheekeen dhibaatadii ay kalasoo kulmeen Dalka Libiya.

Maxamed Amiin Cabdullaahi Cusmaan  oo ah Kusimaha Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha oo kamid ahaa Masuuliyiintii Soo dhaweeyey Dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyarada maanta imaatay ay kamidyihiin Tahriibayaal ku xirnaa Dalka Liibiya, wuxuuna intaas kudaray inay jiraan jiraan dhalinyaro kale oo kuxiran Xabsiyada Liibiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa  oo kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ugashay sidii ay ugasoo sii deyn laheyd Xabsiyada Dalka Liibiya.

Tags: Hassan Ahmed Hassanseyd omar sheikh ismail
Previous Post

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose oo sheegay in uu socdo qorshe shabaab looga xoreynayo gobolka.

Next Post

Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Next Post

Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In