Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 26, 2023
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya seddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray., waxaynka kala yihiin:-

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga aheyd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, wxuuna ku dhisnaa nidaam Xisbiyo badan, taasi waxaa afgambiyay Askarta.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025

2-Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo  ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey, waayo waxay ku dhisneyd xukun Millitari oo ku dhisnaa cadaadis shacab.

3- Jamhuuriyadda Seddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti  waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay. Marka hadda ayaa waxaa la doonayaa in markii 4-aad ay Soomaaliya yeelato Daastuur dhameystiran, islamarkaana uu ka baxo qabyo qoraalka, waxna laga bedelo ee la socon karin geeddi socdka siyaasadda dalka, lagula jaad qaadi karo caalamka intiisa kale, kaasi oo looga baxayo waxa hadda caalamku noo aqoonsan yahay ee ah habka ama qaabka loo yaqaan (Chapter7-ka).

Haddaba maqaal dheer uu qoray Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada JFS, Senator hore ee Aqalka Sare BFS-Xoghayihii Guddiga Dastuurka ayaa waxa uu ku leeyahay ‘Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib’.

“Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo sanadkii 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayay dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaasi’, ayuu ku xusay qoraalkiisa.

Dr: Xuseen Sh. Maxamuud waxa uu kaloo uu qoraalkiisa ku xusay in Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Balse waxa uu yiri:- “Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 Wasiir Dastuur, dhowr guddi Dastuur iyo ku dhawaad $100 Milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen”. “Dastuurka KMG ee ay hadda hey’adaheena ku dhisan yihiin, 2012kii ayay ergo gaareysa 825 si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayey ee 9aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado”.

Dr: Xuseen Shiikhn Maxamuud waxa uu qoraalkiisa ku soo qatimay “Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11aad ee labada Aqal waxaa ay heystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG”.

“Shan himilo oo dalkeennu lahaa in uu xaqiijiyo sanadkaan waxaan ka gaarnay guulo wax ku ool ah. Waxaan ku guuleysannay ka mid noqoshada Dalladda bulshada bariga Afrika, Usbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa. Waxaa iyaguna meel wanaagsan maraya dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka Daatuurka”., sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud mar uu khudbad socotay 40 daqiiqo shalay ka jeediyay furitaanka Kalfahiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanaha oo soo hadal qaaday rajooyinka wanaagsan ee soo socda ayaa yiri:-  “Asbuuca ugu horreeya ee bisha Disimber dhammaadka sanadkan Cuneqabateynta Hubka ayaa Soomaaliya laga qaadayaa, 13-ka bisha Disemberna sidoo kale Deynta ayaa nagala cafinayaa, guulo waaweyn ayaa socda”.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay hiigsiyada Qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaasi oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada. “Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashay in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

Dhanka maaliyadda Dalka mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu ka yiri Mudane Xasan Shikh Maxamuud “Afartii bilood ee ugu dambeysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid howl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024-ka ay gaarto in ka badan hal Bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa”.

By: C/aahi Ruush

Previous Post

Beledweyne oo saddax Carruur ah ay Gaajo ugu geeriyoodeen

Next Post

Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa

Next Post
Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa

Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In