Bulshada ku dhaqan deegaanada Bari ee gobolka Mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda beni-aadannimo ee soo wajahay dadka iyo xoolaha.
Maamulka iyo qaar kamid ah shacabka deegaanka Fayuuke ayaa warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegay inay jirto xaalad ka dhatay abaarta Gobolka Mudug ka jirta mudada ku dhow 5-ta sano.
Qaar ka tirsan Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in ay dadka iyo duunyaduba ku dhaqan halkaasi ay iminka soo foodsaartay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Guddoomiyaasha Bandarqaali iyo Fayuuke ,Sh Muxuyidiin iyo C/risaaq ayaa xaqiijiyay in deegaanada Bariga Gobolka mudug ay ka jirtaan xaalado biniaadanimo oo u baahan ghurmad degdeg ah.