Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Laga Hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Laga Hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay daahfurka qaab dhismeedka Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo haatan ay socdaan dadaallo ku aadan dhismihiisa ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan kuwa Dowlad Gobaleedka Galmudug oo isugu jiray heer Wasiir Heer Gobal iyo her degmo iyo xubno ka socday hay’adaha crd iyo fca oo iyagu kulanka soo qaban qaabiyay

Guddoomiyaha Guddiga Qaban Qaabada  dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo Maxamed Cali Xirsi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in haatan ay mareyso meel gaba gaba ah qorshaha la doonayo in lagu soo xulo golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, kulanka maantana uu yahay mid looga arinsanayo habraaca awood qeybsiga golaha deegaanka dagmada galkacyo oo uu xusay in loo mari doono nidaam ku dhisan caddaalad odayaasha dhaqankana looga baahan yahay in ay la fududeeyaan

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Maymuun Cali Nuur Geyfane Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Mudug ayaa sheegtay in ay soo dhaweeynayaan helitaanka dhisme gole deegaan oo sharci ah, loona wada dhan yahay, iyadoo ugu baaqday odayaasha dhaqanku in ay soo xulaan shaqsiyaad leh aqoon hogaamineed

Kulanka oo intii uu socday ay ka hadleen Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Waxgarad iyo qeybaha bulshada kuwaasi oo codsaday in la raaco habraaca nidaamka dhismaha golayaasha deegaanka ayaa waxaa ugu danbeyn ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali waxaana ay sheegeen in haddii lagu soo dhiso golaha deegaanka nidaam waafaqsan kan ay u dajisay Wasaaradda arimaha gudaha Federaalka lagu gaari doono horumar iyo dib u dhis, sidaa darteedna looga baahan yahay waxgaradka iyo guddiga qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo in ay qaadaan nidaamka loo dajiyay si loogu daydo Gaalkacyo.

W/D Wariye Abdirisaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Mareykanka oo 12-kun oo Askari ka daad guraynaya Wadan kamid ah Dalalka Yurub

Next Post

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsi Sare Oo Laga Hirgelinayo Degmada Deyniile “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsi Sare Oo Laga Hirgelinayo Degmada Deyniile “SAWIRRO”

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsi Sare Oo Laga Hirgelinayo Degmada Deyniile “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In