Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha waddada xiriirisa magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkaacyo ee gobolka Mudug, iyadoo guddiga ku hawlan dhismuhu uu codsaday in lagu taageero hawshaas.
Guddiga ku hawlan dhismaha Waddada ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ka shaqaynayay inta u dhaxaysa deegaanada Gawaan iyo Wazil, oo hadda gaban gabo maraysa, waxaana ku sii xiga 30-km uu u dhaxaysa Hobyo iyo Gawaan oo ah meesha ugu daran ee marista gaadiidku ku dhibanyihiin.
C/qaadir Maxamed Cosoble oo ah gudoomiyaha gudiga Gob ee mashruucan maamulaya ayaa ka waramay sida hawsha dhismuhu u socdo.
Dabeecad ahaan dhulkan mashruuca dhismaha wadadu ka socdo waa Bacaad, dooxooyin iyo Dhagax, bilo ka hor gaadiidka yar yar ayaa si dhib leh ku marayay, balse maanta waxaa ka muuqda isbadal wayn.
Waxaana ka shaqaynaya gaadiid culus, iyadoo mashruucan oo dhaqaale badan ay ku baxayaan uu u baahanyahay in laga wada qayb qaato.
Wasiirka Ganacsiga Galmudug C/ladiif C/llahi warsame ayaa sheegay in wadadan ay muhiim u tahay ganacsiga deegaanka Galmudug, iyo in shixnadaha ka soo daganaya dekadda Hobyo si fudud loo soo gaarsiiyo magaalooyinka gobolada dhexe.
Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Maxamed Cali Socdaal ayaa mashriican ku tilmaamay mid qiimo leh, oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan micno ugu fadhiya, sidaas darteed ay haboontahay in la taageero si dhaqse looga mira dhaliyo.
Maxamuud Cabdi Diirshe