Dhulkan maanta dib loogu celiyay dadkii iska lahaa oo mudo 20 sano ka badan laga haystay ayaa waxaa uu ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Waaxda Halgan Agagaarka Saldhiga Booliska degmadaas waxaana si Rasmi ah ugu wareejiyay dadkii isla lahaa gudoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Cusmaan Maxamuud Cadaawe oo uu wehlinayay guddiga xalinta khilaafaadka degmadaas oo howshaan gacanweyn ku lahaa.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horey amar ugu bixiyay in dadkan dib loogu celiyo dhulkooda isagoo Maamulka Yaaqshid u xilsaaray fulinta howshaas,Haaruun Xasan Culusow oo ah wiilka uu dhalay ninka iska lahaa dhulkan ayuu Gudoomiyuhu ku wareejiyay Ducumentiga cadaynaya lahaanshaha Dhulkaas waxaana maamulka gobolka iyo Kan degmada Yaaqshiidba u mahad naqay in ay dib ugu soo celiyaan hantidooda oo mudda aad u dheer gacantooda ka maqaneyd.
Mudane Cusmaan Maxamuud Cadaawe guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo isagu dadkan dhulkooda maanta ku wareejiyay ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu go’aan ka gaaray dacawdii ka taagneed Dhulkan la soo geba gebeeyo.
Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...












