Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleymaan Soylu, ayaa sheegay in 100 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariir cabbirkiisa lagu sheegay 6 darajo oo Richter Scale ah, kaas oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay gobolka Duzce oo dhaca waqooyi galbeed ee dalkaas Turkiga.
Wasiir Soylu, ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Turkiga ku sheegay in ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka ay soo gabagabeeyeen kormeer ay ku sameeyeen tuulooyinka ku xeeran halka uu dhul gariirka ka dhacay, waxuuna tilmaamay in deegaanada qaar ay koronto ka go’day, balse ay iminka ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa.
Dadka deggan magaalooyinka Istanbul, Ankara, Bursa, Eskisehir, Çankiri, Zonguldak iyo Sakarya, ayaa dareemaayay dhulgariirka, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay qiyaastii 7 kilomitir dhulka hoostiisa ah, sida laga soo xigtay waaxda Gurmadka iyo Maareynta Masiibooyinka Turkiga.