Munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Cabdicasiis ee gobolka Benaadir ayaa lagu dhagax dib u dayactirka lagu sameynayo garoonka cayaaraha ee dagmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda maamulka gobolka Benaadir Cabdullaahi Cilmi Erag oo dhagax dhigay ayaa sheegay inay muhiim tahay hormarka isboortiga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
“ waxaan ku faraxsanahay maalma gudahood inaan dhagax dhigo dhismaha Garoonkii labaad hore waxaan u soo dhagax dhigay Garoonka Basketball ka ee degmadda Warta Nabadda maantana waxaan dhagax dhigay Garoonka basketball ka ee degmadda Cabdicasiis, hadii aan nahay madaxda gobolka waxaan naga go’an hormarinta cayaaraha iyo soo saarida cayaaryahano degmooyinka iyo gobolkaba matala ayuu yiri Gudoomiye Erag’’
Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada gobolka Benaadir ayaa intaa ku daray in Garoomada la dhisay looga talagalay basketball ka iyo cayaaraha gacanta islamarkaana loo baahan yahay inaan loo isticmaalin kubadda cagta,
Gudoomiyaha degmadda Cabdicasiis Sharmaake Maxamed Ladane ayaa ugu Mahad celiyay maamulka Gobolka Benaadir iyo Hey’adda TIS+ oo mashruuca dib u dayactirka garoonka maal galinaysa.
‘’ waxaan u mahad celinaya maamulka gobolka Benaadir oo marrkii aan u geynay qorshahaan naga aqbalay islamarkaana u gudbiyay Hey’adda USAID Mashruuceeda xasilinta ee TiS+ oo maalgalinaya mashruucaan dib loogu dayactirayo garoonka, waa u muhiim isdhaxgalka Bulshadda ayuu Yiri Gudoomiyaha Degmadda Cabdicasiis’’
Qaar ka mid ah dadweynaha degmada oo faraxsan dib u dhiska garoonka ayaa joogay munaasabada.
Todobaadkaan waa degmadii labaad ee laga hirgalinayo mashruuca dib u dhiska garoomada Caasimadda waxaana ay ku soo beegmeen xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan cayaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir.