Maamulka xarunta xannaanada agoonta wiilasha ee Rajo ayaa faah faahin ka bixiyay dib u habeeyn lagu sameeyay xaruntaasi.
Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo ah maamulaha xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere iyo tan wiilasha Rajo oo ku taalla xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa ka hadashay xaaladda caruurta agoonta ah ee ku jirta labadaasi xarumood iyo dib habeeyn ay ku sameeysay xarunta xannaanada agoonta wiilasha ee Rajo.
Maamulaha labadaasi xarumood marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa sheegtay in xarunta xannaanada agoonta wiilasha Rajo la furay Augst, 2013-ki, waxeyna xustay iney aheyd dugsi hoose dhexe oo ay si lacag la’aan ama bilaash ku dhigtaan caruurta agoonta ah.
Marwo Nuurto ayaa tilmaantay iney dib u habeeyn ku sameeysay xarunta islamarkaana ay ku soo kordhiyay adeegyo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin jiif, cunto, waxbarasho kaladuwan iyo howlo la xiriira daryeelka iyo tarbiyada caruurta agoonta ah ee ku xareysan xaruntaasi.
“Xarunta waxey la mataanoowday maamulka xarunta xannaanada agoonta gabdhaha ee Boondheere hal maamul ayeeyna leeyihiin labadaasi xarumood, dib u habeyn ayaana ku sameeynay xarunta agoonta xannaanada agoonta Rajo, anagoo ku soo kordhinay Jiif, cunto, iyo adeegyo kale oo daryeelka iyo tarbiyada la xiriira” ayeey tiri Marwo Nuurto Maxamed Caddoow maamulaha labada xarumood ee agoonta.
Marwo Nuurto ayaa hoosta ka xariiqday qiimaha ay aduun iyo aakhiraba leedahay daryeelka iyo waxbaridda caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah, iyadoo ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed iney xil iska saaraan daryeelka aqoonta Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga maamulaha xarunta xanaanada agoonta Rajo Nuurto Maxamed Caddoow