Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu soo bandhigayay waxqabadka isbitaalka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo dib u howlgelintiisa ay ka soo wareegatay mudo hal sano ah ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka degmada, bahda caafimaadka, aqoonyahanno, Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool iyo qaar ka mid ah bulshadii adeegyada caafimaadka looga fidinayay tan iyo bilowgii sanada 2018.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ugu horeyn Madaxa Caafimaadka isbitaalka Degmada Xudur Dr. Cismaaciil Maxamed Jeyte ayaa ka warbixiyey wax qabadka Cisbitaalka.

“Halsano ka hor wax adeeg caafimaad ah kama jirin magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, Cabdi Ooyow wuxu ka mid yahay qoysaska ehladooda ku waayay isbitaal la’aanta ka jirtey magaalada xudur, waxaana aad ugu faraxsanahay in iminka uu si aad ah  u shaqeeyo isbitaalka” ayuu yiri Dr Cismaan.

Wardheere Axmed wuxu ka mid yahay dadka eheladooda adeeg caafimaad looga fidiyay isbitaalka, wuxuna sheegey in xaaskiisa oo mudo dhowr maalmood ah foolanaysay qaliin lacag la’aan ah loogu sameeyey iyada iyo ubadkeedana la kala badbaadiyey.

Waxa kale oo munaasabadda ka hadlay shaqsiyaad qaliin kala duwan loogu sameeyey isbitaalka. Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool Mustaf Maxamed Axmed iyo Cali Adan Axmed oo ku Hadley magaca aqoonyahanada ayaa sheegey in magaalada Xudur ay ka soo kabanayso baahi dhanka adeegyada caafimaad oo ka jitay.

Intaas kaddib Agaasimaha Guud ee isbitaalka Degmada Xudur Dr. Isak Maxamed Noor Boorow kana mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka ayaa sheegey in qalabka haatan ay ku shaqeynayaan aysan ku filneyn. isagoo u mahadceliyey Wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed oo gacanta ku haysa isbitaalka.

Gabagabadii munaasabada waxa soo xirey Guddoomiyaha Arimaha Bulshada ee Degmada Xudur Malaaq Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gbolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuurr Isnake waxayna shahaado sharaf guddoonsiiyeen dhakhaatiirta isbitaalka.

 

 

 

Previous Post

Soomaaliya oo samaynaysa kobac dhaqaale oo xowli ah

Next Post

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In