Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii   argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen dad wax gal u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay hay’adda wada hadalka bulshada ee CCD ayaa maanta   lagu qabtay xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Banaan baxayaasha oo u badnaa haween ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay socod ku soo mareen degmada Shingaani ilaa iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Xamar weyne, waxaana ay wateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo looga soo horjeeday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Related posts

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026

Guddoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne ee dhinaca arrimaha Bulshada Maxamuud Cali Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka looga baahan yahay inay soo sheegaan dadka falalka amni darida wada, si looga hortago falalka ay maleegayaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaamtay in banaan baxan uu yahay mid looga soo horjeedo xasuuqii Hotel Saxafi, isla markaana ay ka dhiidhinayaan falalka guracay oo ay ku kacayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana ay tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo gaba gabadii ka hadlay dibad baxa ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkii Hotel Saxafi, isla markaana uu ahaa weerar argagixisonimo oo lagu dhibaateeyay dad wax gal u ah bulshadal, isagoo xusay in Allaha u naxariistee Dhega badan uu ahaa ninkii Muqdisho iyo gobolada ka saaray Al-Shabaab.

 

Previous Post

Qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool oo deeq la gaarsiiyay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In