Sunday, May 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool oo deeq la gaarsiiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 4, 2015
in Wararka
0
Qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool oo deeq la gaarsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta deeq isug jirta raashin iyo makiinadda lagu shiido raashinka gaarsiiyay qaxootiga Yemen ee degan dhismaha Safaaradda Yemen ay ku leedahay dalka, isagoo ku wareejiyay danjiraha Yemen ee Soomaaliya Danjire Maxamed Shaa’id.

Wasiir ku-xigeenka oo uu wehliyo Safiirka ayaa waxa uu ku soo wareegay oo uu soo indha indheeyay kaamka, isagoo la kulmay carruur xanuunsan oo uu amray in la geeyo isbitaalka, waxaana sidoo kale uu sheegay in uu ku arkay halkaa xaalad murugo leh dhibaato badana ay haysato qaxootigaas.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Hooyo ka mid ah qaxootiga reer Yemen ayaa tiri “Qabowga iyo qoraxda ayaa nagu dhacaya ma haysano wax aan ku noolaano carruurta caano aan siino ma hayno, raashin aan karsano ma haysano, caafimaad ma jiro, waxbarasho ma jirto, biyo macaan malahan, waa dhibanahay dowladda Soomaaliya hana caawiso”

Safiirka dowladda Yemen ee Soomaaliya Danjire Maxamed Shaa’if Cismaan oo ka hadlay deeqda uu Wasiirku gaarsiiyay qaxootiga ayaa sheegay in aysan ahayn mid ku filan, loona baahan yahay in si dhab ah loogu soo gurmado qaxootigaaas, waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya waydiistay in qaxootiga laga raro safaarada oo goob kale la dajiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Cismaan oo gaba gabadii ka hadlay halkaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ugu jirto in la caawiyo qaxootiga Yemen oo xaalad adag ku nool, waxaana uu sidaas oo kale ka codsaday bulshada in gacan la geysto caawinta dadkaas.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Next Post
Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In