Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax looga soo horjeedo xarigga dhallinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka dhacay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dibad bax looga soo horjeedo xarigga dhallinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka dhacay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tiro Soomaali ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta dowladda dhexe ee Mareykanka, halkaasi ay ku muujiyeen sdia ay uga xun yihiin xarigii dhawaan loo geystay lix dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ku biiri rabeen Kooxda ISIS, isla markaana aan la soo bandhigin caddeymo rasmi ah,

Ma jirin mas’uul ka socday dowladda Maraykanka oo halkaasi yimid, balse waxaa goobta joogay saxaafada dalka Maraykanka iyo kuwo kale, dadkii ka qeyb galay dibad baxani ayaa ka muuqatay shacuur kuwaasi oo ku qeylinayey, Cadaalad, Sinnaan iyo in xornimo la siiyo dhallinyarada la xiray, maadaama ay ku doodayaan in aan loo heynin cadeymo ku filan.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

Dhallinyarada la xiray ayaa gaaraya ilaa lix, waana tirada ugu badan oo hal mar lagu soo eedeeyey in ay ku biiri rabeen kooxda ISIS, Afar ka mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis halka labada kale lagu qabtay Gobolka Arizona.

Mid ka mid ah hooyada dhashay laba wiil oo lagu magacaabo Ayaan oo la hadashay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan jeclaysan qaabka loola dhaqmay, markii lala baxayey mid ka mid ah wiilashaeeda oo qeybta dambe  ee guriga joogay, waxayna hadalka intaasi ku dartay in ay hurdaysay xiligii  lala baxayey wiilkeeda.

Sadiiq Warfaa oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay raadinayaan xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed,  isla markaana ay bilaabayaa barnaamijyo wacyi gelin ah oo lagu bad baadinayo jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.

Maxamuud Nuur oo ka mid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la beegsado dhallinyarada Soomaaliyeed, uuna codsaday in ay helaan cadaalad, isagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed ee Maraykanka degan in ay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa carruurta Soomaaliyeed.

Ma ahan dhallinyaradii uga horeeyey ee lagu eedeeyey in ay ku biirayeen kooxaha argagixisaada ah, walow markani hey’adda dabagalka ee FBI aysan cadeymo ku filan horkeenin maxkamadda, balse codsatay in dhalinyaradani xabsiga lagu sii haayo ilaa ay ka keenayaan cadeymo buuxda, taasi oo uu aqbalay xaakimkii xukunka riday, wallow abuukaatayasha u doodayey dhallinyaradani Soomaaliyeed, iyaganu codseen in la sii daayo dhalinyarada, maadaama aanan la heynin cadeymo ku filan eedeymaha loo soo jeediyey, ayna xaq u leeyihiin inay xoriyaddooda dib u helaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 19 20 21 22 23

Liban Hussein,

Minneapolis, USA

Warbaahinta Qaranka.

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo howlgeliyay gaari casri ah oo lagu cilad bixinayo nalalka Cadceedda ku shaqeeya

Next Post

Wasiirka beeraha oo ku baaqay in gacan laga geysto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle

Next Post
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay

Wasiirka beeraha oo ku baaqay in gacan laga geysto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In