Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax looga soo horjeedo xarigga dhallinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka dhacay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 26, 2015
in Wararka
0
Dibad bax looga soo horjeedo xarigga dhallinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka dhacay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tiro Soomaali ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta dowladda dhexe ee Mareykanka, halkaasi ay ku muujiyeen sdia ay uga xun yihiin xarigii dhawaan loo geystay lix dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ku biiri rabeen Kooxda ISIS, isla markaana aan la soo bandhigin caddeymo rasmi ah,

Ma jirin mas’uul ka socday dowladda Maraykanka oo halkaasi yimid, balse waxaa goobta joogay saxaafada dalka Maraykanka iyo kuwo kale, dadkii ka qeyb galay dibad baxani ayaa ka muuqatay shacuur kuwaasi oo ku qeylinayey, Cadaalad, Sinnaan iyo in xornimo la siiyo dhallinyarada la xiray, maadaama ay ku doodayaan in aan loo heynin cadeymo ku filan.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Dhallinyarada la xiray ayaa gaaraya ilaa lix, waana tirada ugu badan oo hal mar lagu soo eedeeyey in ay ku biiri rabeen kooxda ISIS, Afar ka mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis halka labada kale lagu qabtay Gobolka Arizona.

Mid ka mid ah hooyada dhashay laba wiil oo lagu magacaabo Ayaan oo la hadashay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan jeclaysan qaabka loola dhaqmay, markii lala baxayey mid ka mid ah wiilashaeeda oo qeybta dambe  ee guriga joogay, waxayna hadalka intaasi ku dartay in ay hurdaysay xiligii  lala baxayey wiilkeeda.

Sadiiq Warfaa oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay raadinayaan xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed,  isla markaana ay bilaabayaa barnaamijyo wacyi gelin ah oo lagu bad baadinayo jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.

Maxamuud Nuur oo ka mid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la beegsado dhallinyarada Soomaaliyeed, uuna codsaday in ay helaan cadaalad, isagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed ee Maraykanka degan in ay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa carruurta Soomaaliyeed.

Ma ahan dhallinyaradii uga horeeyey ee lagu eedeeyey in ay ku biirayeen kooxaha argagixisaada ah, walow markani hey’adda dabagalka ee FBI aysan cadeymo ku filan horkeenin maxkamadda, balse codsatay in dhalinyaradani xabsiga lagu sii haayo ilaa ay ka keenayaan cadeymo buuxda, taasi oo uu aqbalay xaakimkii xukunka riday, wallow abuukaatayasha u doodayey dhallinyaradani Soomaaliyeed, iyaganu codseen in la sii daayo dhalinyarada, maadaama aanan la heynin cadeymo ku filan eedeymaha loo soo jeediyey, ayna xaq u leeyihiin inay xoriyaddooda dib u helaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 19 20 21 22 23

Liban Hussein,

Minneapolis, USA

Warbaahinta Qaranka.

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo howlgeliyay gaari casri ah oo lagu cilad bixinayo nalalka Cadceedda ku shaqeeya

Next Post

Wasiirka beeraha oo ku baaqay in gacan laga geysto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle

Next Post
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay

Wasiirka beeraha oo ku baaqay in gacan laga geysto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In