Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka beeraha oo ku baaqay in gacan laga geysto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 26, 2015
in Wararka
0
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto ka hortagga fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle, isla markaana la sameyn doono meelo biyo xireen ah, Isagoo dhanka kale baaq u jeediyay beeraleyda Soomaaliyeed.

Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile) Wasiirka beeraha ee xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa webiga Shabeele oo hadda meelo qaar fatahaad ka geystay, isagoo bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsaday in gacan laga geysto sidii webiga

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Waxaan ka codsaneynaa bulshada Soomaaliyeed inay isku tashadaan oo ay gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadda webiga shabeelle oo biyo xireenno loo sameyn lahaa, waan ognahay in meelo badan uu iminka ka soo jabsaday biyaha, maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe waxaan uga mahadcelinayaa dadaalka ay arrintaasi ugu jiraan, marka aan u istaagno sidii webiga Shabeelle uusan u sameyn lahayn fatahaad” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha ayaa tilmaamay in uu yaraaday wax soo saarka dalagga, waxaana uuu ganacsatada ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii wax soo saarka dalagga xoogga loo saari lahaa, oo aan lagu mashquulin waxyaabaha dalka dibadiisa loo dhoofinayo.

“Si sinta iyo Liinta waa loo baahanyahay, waana kuwa la dhoofiyo, laakiin waxaan rabnaa in ganacsatada ay sidoo kale ku dadaaalaan waxyaabaha lagama maar maanka u ah bulshada inay beeraan, lana dhiirigeliyo dadka beeraleyda ah” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka beeraha.

 

 

Previous Post

Dibad bax looga soo horjeedo xarigga dhallinyaro Soomaali ah oo Mareykanka ka dhacay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In