Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu maamuusayay dhalashada Nabigeenii Muxamed NNKH ayaa maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dibad bax lagu maamuusayay dhalashada Nabigeenii Muxamed NNKH  ayaa maanta ka dhacay  Magaalada Galkacyo “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan dadweyne ah oo u badnaa culuma’udiin iyo ardayda dugsiyada waxbarashada ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada galkacyo kuwaasoo ujeedka dibad baxooda uu ahaa mid ay ugu dabaaldagayeen maamusida bishii iyo maalintii uu dhashay nabigeeni Muxumad (NNKH).

Bulshadii ka qeyb gashay dibadbaxaan ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka magaalada galkacyo qaarkood iyagoo qaadayay qasiidooyin nabi amaan ah iyo saliga Nabigeenii Maxamed (NNKH).

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Qaar ka mida culum’udiinkii ka qeybgalay banaan baxaan oo iyagu qudbado kasoo jeediyay fagaaraha weyn ee Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf Jimcaale (Sheekh Ilka Dahab) oo ay kusoo gaba gabeeyeen dibadbaxooda ayaa ka sheekeeyay fadaa”isha ay leedahay weeynaynta maalintii iyo bishii uu dhashay Nabigeenii nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dowlad gobaleedka Galmudug Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf Jimcaale (Sheekh Ilka Dahab) oo isna ka hadlay madasha lagu soo gunaanaday dibadbaxaan loogu dabaaldagayay dhalashada nabigeeni Muxamed (NNKH) ayaa qudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay kaga hadlay arimo farabadan oo ay ka mid ahayeen colaadaha ka jira.

Gobolada dalka soomaaliya dhibaatooyinka jidgooyooyinka iyo in lagu xadgudbo dhaqanka suuban ee diinta islaamka Sheekh ilka dahab ayaa ugu horeeyn sheegay in colaadaha ka jira Gobalada dalka soomaaliya intooda badani ay yihiin kuwo salka ku haya xuduudaha maadaama dalka ay ka jiraan maamulo kala duwan taasoo uu tilmaamay in qofkasta oo muwaadin soomaaliyeed ah looga baahan yahay in uu ka qeyb qaato xal u helideeda.

Sheekha ayaa sidoo kale mar uu ka hadlaya jidgooyooyinka ay maleeshiyaadka aan cidna ka amar qaadan ay dhigtaan qaar ka mida deegaanada Galmudug ayaa sheegay in aan wax horumar iyo kheyr ah aysan gaareeyn bulshada ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha qowleysatada ah ee mar kasta utaagan dhibaateeynta shacabka soomaaliyeed,isagoona xusay in loo baahanyahay in dagaal lala galo,islamarkaana meel looga soo wado soo jeesto.

Ugu danbeeyna waxaa soo xiray xafladaaan lagu soo gabagabeeynayay dibadbax loogu dabaal-dagayay dhalashada nabigeenii Muxamed (NNKH) madaxdii maamulka galmudug ee ka qeybgalay munaasabada kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Duqa dagmada Galkacyo Bile Diini Cali Gudoomiyaha Gobalka Mudug Aweys Cali Saciid iyo wasiirka wasaarada dib u heshiinta
iyo arimaha fadaraalka Galmudug Mudane Xasan Faarax Barre dhamaantoodna waxeey si isku mid ah ugu mahadceliyeen culuma’udiinkii Ahlu sunnah ee soo agaasimay dibadbaxaan lagu maamuusayay dhalashada Nabigeenii Muxamed (NNKH).

Mahad celin kadibna Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay bishaani tahay mid ka mida bilaha qiimaha ku leh dadka muslimiinta ah maadaama ay tahay bishii uu dhashay nabigii iyo rasuulkii ugu danbeeyay ee rabbi subxaana wataacaalaa uu koonkaan usoo saaro.

Dibadbaxaan oo ahaa kii ugu balaarnaa ee loogu dabaaldagayo dhalashada nabigeenii Muxamed (NNKH) ayaa kusoo idlaaday si nabad galya ah.
1 (26)

1 (27)

1 (28)

1 (29)

1 (30)

1 (31)

1 (32)

1 (33)

1 (34)

1 (35)
C/risaaq Maxamed Axmed Xafiiska warbaahinta Qaranka Gobolka Mudug.

Previous Post

Shir balaaran oo Qurba-jooga Soomaaliyeed uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda (Sawirro)

Next Post

Mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia oo soo dhaweeyay Magacaabista Golaha wasiirada Cusub.

Next Post
Mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia oo soo dhaweeyay Magacaabista Golaha wasiirada Cusub.

Mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia oo soo dhaweeyay Magacaabista Golaha wasiirada Cusub.

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In