Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu soo dhaweynayo maalinta Afka Soomaaliga oo ka dhacay taallada Daljirka Dahsoon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 17, 2016
in Wararka
0
Dibad bax lagu soo dhaweynayo maalinta Afka Soomaaliga oo ka dhacay taallada Daljirka Dahsoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali iyo maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta ka qeyb galay isu soo bax lagu soo dhaweynayay, isla markaana loogu diyaar garoobayo  xuska maalinta afka Soomaaliga oo ku beegan 21-ka bishan, kaasi oo ka dhacay taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere.

Dibad baxaan waxaa kaloo ka qeyb galay ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka ku yaala, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ku soo maalinta afka hooyo.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in wixii maanta dambeeya aan lagu arki Karin boorarka ku qoran afka qalaad, isla markaana ciddi lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirka waxbarahada ee Xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in bulshada kuwooda wax bartay looga baahanyahay in ardayda ay ku dhiiri geliyaan wadaniyadda iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay horumarinta afka Hooyo, isla markaana qofkasta ay waajib ku tahay in uu gacan ka geysto sidii kor loogu qaadi lahaa afka Hooyo.

21-ka Janaayo ee sanadkii tegay ayay ahayd marki Madaxweynaha Jamhuuiryadda Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska maalinta Afka hooyo uu ku dhawaaqay in xafiisyada dowladda luuqad aan ahayn Soomaali aysan ku wada xiriiri Karin, si loo horumraiyo afka hooyo.

21-ka Janaayo ayaa ah markii ugu horeysay uu soo baxo wargeys ku hadla Afka Soomaliga, waxaana dowladda ay dadaal ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa Afka Hooyo.

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay magaalada Jowhar

Next Post

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta furmay

Next Post
Baarlamanka Galmudug oo ansixyay Dasturka maamulkaas

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta furmay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In