Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 months ago
in Wararka
0
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya.

 

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibadbaxa.

 

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa isna yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed caawa diyaar bay u yihiin inay muujiyaan shucuurtooda.”

 

Burhaan Axmed Rooble ayaa yiri: “Shacabka reer Muqdisho waxay muujiyeen dareenkooda ka dhanka ah mowqifka Israa’iil.”

 

26-ka bishan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu sheegay in maamulka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) uu sheegay in u aqoonsanayo maamul madax-bannaan, taas oo ay si adag uga hor yimaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay ficil ka dhan ah qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Next Post

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Next Post
Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In