Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New Delhi, October 16, 2015 – Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India .

Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintaniΒ  waxa ay ku barteen Maadooyin la xiriira arrimaha diblomaasiyadda , Siyaasadda , Amniga , Dhaqaalaha , Caafimaadka iyo Tiknoloojiyadda, iyadoo mudadii tababarkaasi socday ay socdaalo iyo booqashooyin ku kala bixiyeen Magaalooyinka Agra , Hyderabad iyo goobo kale .

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo ka dhacday Xarunta Machadka , ayaa Madaxa Kooxda diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarkan ka qeybgalay waxa uu kaga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka India fursadan ay u siiyeen in dalkooda ay wax ku bartaan diblomaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay Dowladda India inay sii kordhiso taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya .

Mr. Anil Wadhwa oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda India ee Arrimaha Bariga ayaa ka sheekeeyay Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo India , isagoo xusay in India ay garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, diyaarna u tahay gudbinta waaya-aragnimada iyo aqoonta maamul .

Ms. Nengcha Lhouvum , Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ( FSI) ayaa sheegtay in kooraska la siiyay diblomaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sareeyo , oo lagu barayay Xiriirka Caalamiga, Qaanuunka dowliga , horumarinta iyo dhammaan arrimaha casriga ah ee la xiriira diblomaasiyadda ,iyadoo ku ammaantay diblomaasiyiintan Β sida wacan ay uga qeyb qaateen tababarkan .

Munasabadan oo si heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa diblomaasiyiintaasi lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinka tababarka .

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi “Sawirro”

Next Post

Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Next Post
Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In