Dilka waa ciqaabta ugu adage e uu bani’aadam kula kaco aadane kale. In dad loo dilo si xaq darro ah waa fal dambiyeed aad u weyn oo aan ku bannaaneyn diimaha samaawiga ah iyo xeerarka dad sameega ahba.
Dunida oo la rogo ayaa Eebbe ugau fudud in qof muslim ah loo dilo si gar darro ah. Sidaas ayay diinteennu tilmaantay.
Waxaa kaloo la isku raacsan yahay in ay jiraan dad loo yaqaanno Biri-ma geydo, oo aan ku lug lahayn dagaallada, sidaas darteedna ay tahay in aan la wax yeelleyn.
Laakiin nasiib darro, kooxo sheeganaya in ay shareecada kor yeelayaan, ayaa dadka rayidka ah ku laynaya jidadka, masaajidda iyo goobahooda ganacsiga.
Maxay shareecada Islaamku ka qabtaa dilka dadka rayidka ah ee aan ku lugta lahayn dagaallada? Waa mowduuca uu ku saabsan yahay barnaamijka Tubta Toosan, oo uu marti noogu yahay Sheikh Maxamed Cabdulle Maxamed.