Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood cilmiyeed ku saabsan Dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dood cilmiyeed ku saabsan Dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka ayaa Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan.

Madasha ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, aqoonyahanno, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga la socodka Dastuurka, madax ka tirsan Wasaaradda Dastuurka iyo xubno kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Wasiiru dowlihi hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Agaasimaha Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in ujeedka Hay’adda loo aas aasay ay tahay sidii tababaro loo siin lahaa shaqaalaha Dowladda, isla markaana ay u qaban lahaayeen doodo cilmiyaysan oo ku saabsan dib u habeynta Dowladda.

Guddoomiyaha Maamulka Sare ee Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Cilmibaaris taxane ah oo ay soo diyaariyeen ay bulshada la wadaagi doonaan, maantana ay ka doodayaan caqabadaha ku xeeran dhameystirka geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Dalka.

Prof Yaxye ayaa ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dhameystirka geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka iyo hanaanka loo wajahayo .

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo madasha ka hadashay ayaa xustay in dastuurka uu u baahanyahay in la geliyo waqti badan.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeybgalay madasha aqoon isweydaarsiga ayaa xusay in dastuurka uu u baahanyahay in dad aqoon durugsan u leh ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka.

Agaasimaha Wacyigelinta ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqani Cali Aadan ayaa sheegay in dib u dhaca dastuurka ku yimid uu sabab u ahaa doorashooyinka ka bilowday dowlad Goboleedyada, maadaama hannaanka doorashooyinka uu yahay mid kala duwan oo dowlad Goboleed kasta ay waqti u gaar ah qabsadaan, balse ay hadda rajeynayaan in Dowladda cusub ay la wadaagi doonaan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Dastuurka.

Previous Post

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlay cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka

Next Post

Maleeshiyaad ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada Dowladda+Sawirro

Next Post
Maleeshiyaad ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada Dowladda+Sawirro

Maleeshiyaad ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada Dowladda+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In