Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood cilmiyeed looga hadlayay adeegsiga argagixisada ee baraha xiriirka bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 14, 2015
in Wararka
0
Dood cilmiyeed looga hadlayay adeegsiga argagixisada ee baraha xiriirka bulshada oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood cilmiyeed looga hadlayay saameynta ay argagixisadu ku leedahay adeegsiga baraha bulshada ay ku xiriiraan ee Internetka iyo sida looga hortagi karo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, iyo suxufiyiin, waxaana la isku dhaafsaday fikrado ku wajahan sida looga hortagi karo in argagixisadu ay baraha isku xirka bulshada u isticmaalaan afkaartooda gurracan.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Gudoomiyaha Majmaca culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamo ka bixiyay dacaayadaha been abuurka ah iyo muuqaallada argagaxa leh ee argagixisadu soo dhigaan baraha xiriirka bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda looga baahanyahay wacyigelin dheeraad ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in warbaahinta looga fadhiyo iney bulshada u soo gudbiyaan wax dan u ah bulshada, isagoo dhaliil u soo jeediyay qaar ka mid ah Websidyada iyo dadka baraha bulshada ku soo qora waxyaabo ay ku argagaxaan bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha hey’adda wacyigelinta bulshada CCA Maxamed Cajiib oo isagu soo qaban qaabiyay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in ujeedada ay kulankan u soo diyaariyeen ay tahay ka hadalka sida loo isticmaalo baraha xiriirka bulshada ee Intarnetka.

Waa dooddii ugu horreeysay ee nooceeda ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Musharax Axmed Macallin Fiqi oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Next Post
Musharax Axmed Macallin Fiqi oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Musharax Axmed Macallin Fiqi oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In