Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed: warbaahinta iyo hey’adaha amniga-Sawirro

caqiil by caqiil
May 22, 2017
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed: warbaahinta iyo hey’adaha amniga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood Cimiyeed ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha  Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee u adkeysiga dhibaatooynka, SDRI.

Ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo bandhigay madasha Cilmi-baaris laga sameeyey gobollada Banaadir, Baay iyo Mudug, taas oo ku aadaneyd saameynta Warbaahinta iyo Hey’adaha amniga ay ku leeyihiin arrimaha Federaalka iyo isqab-qabsiga dhulalka oo gobollada Soomaalida aad.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Dhinaca kale Dood Cilmiyeedka  ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee xoogga loo saari karo isku xirka hey’adaha amniga iyo Saxaafadda, isla markaana sare loogu qaadi lahaa xiriirka wada shaqeyn ee hey’adahaas ka dhaxeeya.

Ku xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tom Even, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn hey’adaha warbaahinta iyo kuwa amniga, taas oo sare u qaadeysa himilada shacabka ee dhinaca horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay ka go’an tahay in ay wada shaqeyn la yeeshaan warbaahinta Soomaalida, isla markaana ay ku howlan tahay wasaaraddu sameynta xarun xiriirisa iyaga iyo warbaahinta si amniga iyo horumarka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Warbaahinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, mduane  Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay  danaha dalkooda ugu adeeggaan .

Ugu dambeyn xubnihii dood cilmiyeedka wadagay ayaa soo bandhigay Qataraha la xiriirra wararka deg degga ah ee lagu qoro baraha bulshada (Social Media) iyo kuwa laga soo tebiyo goobaha dagaallada oo intaba halis ku ah nafta suxufiyiinta iyo amnigooda.

 

Previous Post

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Magaalada Riyaadh kula kulmay Dhiggiisa Maraykanka.

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha  oo dhiirigeliyey Ciidamada Howlgalka Muqdisho oo hub soo qabtay-Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha  oo dhiirigeliyey Ciidamada Howlgalka Muqdisho oo hub soo qabtay-Sawirro

Ra'iisul Wasaaraha  oo dhiirigeliyey Ciidamada Howlgalka Muqdisho oo hub soo qabtay-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In