Xildhibaanno ka tirsan labada Golle ee Barlamaanka ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay ka qeyb galka siyaasadda ee dhallinyarada iyo Haweenka.
Kulankaan oo ahaa mid looga doodayay muhiimadda ka qeyb galka siyaasadda muwaadinka Soomaaliyeed ay u leedahay ayna soo qaban qaabiyeen ururada Midnimada Soomaaliyeed iyo Somali Youth Forum ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka, aqoonyahanno, ardayda Jaamacadaha iyo ururada bulshada rayidka.
Qaar kamid ah ka qeyb galayaasha oo ka hadlay kulan ayaa muujiyay caqabadaha ka heysta ka qeyb galka siyaasadda haweenka Soomaaliyeed.
Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay u baahanyihiin wacyigelin joogta ah si ay u fahmaan ahmiyadda ka qeyb galka siyaasadda.
Guddoomiyaha ururka Midnimada Soomaaliyeed Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa tilmaamay doorka bulshada ay u leedahay ka qeyb galka siyaasadda, kaasi oo ah in qofkasta oo ah muwaadin uu xaq u leeyahay ka qeyb galka siyaasadda.