Ciidamada badda ee dalka Yemen ayaa badbaadiyay doon ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah oo ay ku jiraan shan qof oo Soomaali ah, kaddib markii ay quustay doon ay la socdeen.
Dadkaan doonta la socday oo tiro ahaan gaaraya 49 qof ayaa isugu jira Soomaai iyo Ethiopian kuwaas oo doonayay inay gaaraan dalalka Khaliijka ayagoo sii maraya dalka Yemen.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Yemen oo lagu magacaabo Saleh al-Sobari ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SABA in ay soo badbadiyeen 13 qof oo siddeed ka mid ah ay Ethiopian yihiin.
Doonta oo la rumeysan yahay inay dad badan ku dhinteen ayaa ku quustay maalintii Isniinta xeebaha koofur bari ee dalka Yeman, ciidamadu waxay sheegeen in la helay meydad kale oo Soomaali ah.
Baaritaannada ay ciidamadu ka sameynayaan biyaha ayaa wali socda ayadoo la helayoo war sheegaya in 35 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen biyaha kuwaas oo la socday doonta quustay.