Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraaska Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug.

Doorashada ayaa ku dhacday hab gacan taag ah oo ay xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ku doorteen lix Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Mudane Saciid Siyaad Shirwac ayaa noqday Senator kii ugu horeeyey ee la doorto Golaha Aqalka Sare, kaddib markii uu tanaasulay Maxamed Daahir oo la tartamayey,  waxaana uu Siciid u codyesay 87 Xildhibaa, 2 Xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Mudane Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guulaystay kursiga 2-aad ee Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ka soo baxaya,  kadib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow. waxaa ogolaaday 87, Xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa diiday. Waxaana ka aamusay 1 mudane, sidaas ayuuna ku noqday Senator.

Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhe-dheer) ayaa ku guuleystay kursiga 3-aad ee doorashada Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug kadib markii uu u tanaasulay Nuur Xasan Guutaale. waxaana gacantaag ugu codaysay 86 Xildhibaan,  waa diiday 2 mudane,  waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan sidaas ayuuna ku noqday Senator.

Samsam Daahir Maxamuud ayaa ku guuleystay Kursiga 4-aad ee Aqalka Sare oo laga soo doorto Galmudug, waxaa u tanaasushay Farxiyo Daahir Guure, waxaana Samsam ay heshay 89-ka cod Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Mudane Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ku guuleystay Kursiga 5-aad ee Aqalka Sare kadib markii ay tanaasushay Ismahaan Cabdi Xuseen oo la tartamaysay, waxaana ogol ugu codaysay 86 Xildhibaan waxaa diiday 1 waxaa ka aamusay 2 mudane, sidaas ayuuna ku soo baxay.

Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guuleysatay kursiga 6aad ee Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Qadro Cabdullaahi Isxaaq waxaana ogol ugu codeeysey 88, ma jirin cid diiday balse waxaa ka aamusay 1 mudane.

Previous Post

Doorashada madaxtinimada dalka Zambia oo bilaabatay

Next Post

Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wada shaqeynta iyo Dib-u-heshiisiinta oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wada shaqeynta iyo Dib-u-heshiisiinta oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wada shaqeynta iyo Dib-u-heshiisiinta oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In