Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

In ka badan 60 Milyan  qof oo Masaari ah oo  xag u yeeshay inay codadkooda ka dhiibtaan Doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa haatan ka qayb qaadanaya doorashada oo gashay maalinteedii labaad, waxayna  ka socotaa dhamaan Gobolada dalka Masar.

La taliyaha sare  ee hay’adda wadaniga  ah ee dalka Masar Mahmuud Sahariif  ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in malintii koowaad ee Doorashada  oo ku beegneyd shalay oo bisha March ay aheyd 26 ay isugu soo baxeen dhamaan goobaha codbxinta oo la dhigay sanaadiqda codadka lagu rido dad aad u fara badan si ay codadkooda u dhiibtaan, wuxuuna intaa  raaciyay in magaalooyinka Qaahira,Alaskandariya,Alqilyubiya,Usyud iyo Aswan ay  ahaayeen magaalooyinka ugu tira badnaa ay codbixiyayaashu sida aadka u badan ay isugu soo baxeen.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in waqooyiga Gobolka Sinaay oo inta badan ay ka dhacaan shaqaaqooyinka kooxaha xagjirka ah ay ka wadaan ay tiro aan sidaa u badnayn isugu soo baxeen goobaha la dhigay sanaadiiqda codadka lagu rido.

Koox warfidiyeenno ah oo ka socotay Idaacadda BBC-da o kormeerayay goobaha ay doorashada Madaxtinimada Masar ka socoto ayaa sheegay in dadka codadkooda ka dhiibanaya Doorashada ay u badnaayeen dad da’ ah iyo Haween ,iyadoo nabadgelyada goobaha  codbixinta ay aheyd mid aad u suganayd, halka maciishada iyo ascaarta cunooyinka lagamamaarmaanka ahna ay xogaa laga dareemayay sare u kacac tan iyo markii doorashada ay ka bilaabatay dalka Masar.

Doorashadan  Madaxtinimada ah ee ka socota dalka Masar ayaa waxaa Madaxweynaha Masar Abdul fataax siisii kula tartamayaa hal murashax oo keliya,kaasoo ah Musa Mustafa Musa oo ka socoda xisbiga Berito, waxaana la sheegay in musharaxn siisii kula tartamaya doorashada laga aqoonin bulshada  Masar Dhexdeeda, ka qayb galkiisa doorashadana ay u muuqato mid maqaar saar ah oo u hiilinaysa Madaxweynaha Masar Abdulfataax Alsisi si uu xukunka mar kale ugu soo noqodo.

Warku wuxuu intaa ku daray sida qorshuhu yahay  waxaa natiijada Doorashada la shaacin doonaa  2-da bisha Abril ee soo socota, hadii uu ku guulaysto Madaxweynaha Masar ee haatan talada dalkaasi haya, waxa u mar kale xukunka sii hayn doonaa  muddo afar Sano oo kale, sida uu qabo dastuurka Masar xaq uma yeelan doono inuu mar sadexaad isu soo sharxo Madaxweyninimada dalkaasi.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post

Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

Next Post
Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In