Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

In ka badan 60 Milyan  qof oo Masaari ah oo  xag u yeeshay inay codadkooda ka dhiibtaan Doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa haatan ka qayb qaadanaya doorashada oo gashay maalinteedii labaad, waxayna  ka socotaa dhamaan Gobolada dalka Masar.

La taliyaha sare  ee hay’adda wadaniga  ah ee dalka Masar Mahmuud Sahariif  ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in malintii koowaad ee Doorashada  oo ku beegneyd shalay oo bisha March ay aheyd 26 ay isugu soo baxeen dhamaan goobaha codbxinta oo la dhigay sanaadiqda codadka lagu rido dad aad u fara badan si ay codadkooda u dhiibtaan, wuxuuna intaa  raaciyay in magaalooyinka Qaahira,Alaskandariya,Alqilyubiya,Usyud iyo Aswan ay  ahaayeen magaalooyinka ugu tira badnaa ay codbixiyayaashu sida aadka u badan ay isugu soo baxeen.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in waqooyiga Gobolka Sinaay oo inta badan ay ka dhacaan shaqaaqooyinka kooxaha xagjirka ah ay ka wadaan ay tiro aan sidaa u badnayn isugu soo baxeen goobaha la dhigay sanaadiiqda codadka lagu rido.

Koox warfidiyeenno ah oo ka socotay Idaacadda BBC-da o kormeerayay goobaha ay doorashada Madaxtinimada Masar ka socoto ayaa sheegay in dadka codadkooda ka dhiibanaya Doorashada ay u badnaayeen dad da’ ah iyo Haween ,iyadoo nabadgelyada goobaha  codbixinta ay aheyd mid aad u suganayd, halka maciishada iyo ascaarta cunooyinka lagamamaarmaanka ahna ay xogaa laga dareemayay sare u kacac tan iyo markii doorashada ay ka bilaabatay dalka Masar.

Doorashadan  Madaxtinimada ah ee ka socota dalka Masar ayaa waxaa Madaxweynaha Masar Abdul fataax siisii kula tartamayaa hal murashax oo keliya,kaasoo ah Musa Mustafa Musa oo ka socoda xisbiga Berito, waxaana la sheegay in musharaxn siisii kula tartamaya doorashada laga aqoonin bulshada  Masar Dhexdeeda, ka qayb galkiisa doorashadana ay u muuqato mid maqaar saar ah oo u hiilinaysa Madaxweynaha Masar Abdulfataax Alsisi si uu xukunka mar kale ugu soo noqodo.

Warku wuxuu intaa ku daray sida qorshuhu yahay  waxaa natiijada Doorashada la shaacin doonaa  2-da bisha Abril ee soo socota, hadii uu ku guulaysto Madaxweynaha Masar ee haatan talada dalkaasi haya, waxa u mar kale xukunka sii hayn doonaa  muddo afar Sano oo kale, sida uu qabo dastuurka Masar xaq uma yeelan doono inuu mar sadexaad isu soo sharxo Madaxweyninimada dalkaasi.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post

Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

Next Post
Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay muwaaddiniinteeda

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In