Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

 Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya  H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya H.E. Mr. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Intii kulanku socday waxaa looga wada hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira Dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo baaqa udiiray bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

Next Post

Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 

Next Post
Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 

Doorashada Madaxtinimada Masar oo gashay maalinteedii labaad 

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In