Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka ayaa sheegtay in doorashada madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ay dhicidoonto 16 bishan oo ku began Axada nagu soo aaddan.
Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaraddaasi Prof. Yaxye Cali Ibraahin oo ka qeybgalayay barnaamijka Kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa caddeeyay in doorashada madaxweynaha ee dowlad goboleedka Hir-shabeelle ay dhici doonto Axada soo socota oo ku asteysan 16-ka octobar.
Prof. Yaxye ayaa tilmaamay in ay soo dhamaatay doorashadii gudoonka baarlamanka maamulka Hir-shabeelleย taasoo ย xalay la soo gebagebeeyay, wuxuuna intaasi raaciyay in doorashadaasi ay ku dhacday jawi wanaagsan oo lagu wada qabacsanyahay.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha maamulka Hir-shabeelle sida ay wasaaraddu ugu dhabar adeygtay taabba gelinta shirkaasi, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay waxgaradka iyo bulshada ka qeybqaadatay shirkaasi.