Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw bilaabaneysa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 8, 2017
in Wararka
0
Muqdisho:-Waxaa maanta ka bilaabanaysa Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka soo galaya goballada Waqooyi ee dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa saacadaha soo socda magaalada Muqdisho  ka dhici doonta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya afarta sano ee soo socota dalka hogaamin doona, iyadoo diyaar garowga doorashada si weyn looga dareemayo guud ahaan magaalada Muqdsisho.

Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ka soconeysa hoolka logu talagalay in lagu qabto doorahada.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

Nasro Bashiir Cali oo ka mid ah koox weriyeyaal ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka, kuna sugan hoolka doorashada ayaa sheegtay in xarunta ay ku sii qul qulayaan Xildhibaannada baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha shacabka.

Waxaa sidoo kale xarunta ku sii qul qulaya Wakiilo ka socda beesha caalamka, si ay goob joog uga noqdaan doorashada.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga caasimadda, iyadoo hakad la geliyay isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Illaa 22 Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana suurta gal ah inay is casilaan Musharaxiin qaar.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray awaamiir ku aadan doorashada, iyadoo hoolka doorashada aan lala geli doonin Taleefanada gacanta, qallimaan iyo agabyada kale.

Illaa 329 Xildhibaan ayaa qorshuhu yahay inay u codeeyaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Previous Post

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday hotel ku yaala Boosaaso

Next Post

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Xildhibaanada

Next Post
Hay.adda Culimada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweysay ansixinta Xukuumadda Cusub

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Xildhibaanada

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In