Xildhibaannada gobollada Waqooyi ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa Lix ka mid ah maanta Muqdisho lagu dooran doonaa.
Lixdan kursi ayaa waxaa ku tartami doona 13 Musharax, oo laba kamid ah ay Haween yihiin.
Guddiga doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay Magacyada musharixiinta ku tartami doonta lixda kursi ee Maanta la dooranayo, iyada oo ay u codeeynayaan Ergooyin la soo xulay.