Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada lalahaa wadatashi ku saabsan qaraar Baaralamaani ah oo qeexaya doorka Haweenka ay ku yeelanayaan Siyaasadda dalka ayaa maanta waxa ay la kulmeen Abwaanada iyo Fanaaniinta magaalada Muqdisho ku sugan, iyagoo kawada hadlay sida bahda fanka ay u teegri karaan qaraarkan Xildhibaanada Haweenka ah ay diyaariyeen oo ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cismaan oo ย ka tirsan Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ka mid ah xubnihii kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegtay in qaraarka ay u gudbiyeenka Baarlamaanka uu ahaa sidii ay ku heli lahaayeen qoondo ka badan kan hadda ay ku leeyihiin dowladda.
Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub) oo u hadlay Abwaanada iyo Fananaiinta la kulmay Xildhibaanada ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Haweenka ku jira Baarlamanka, isla markaana ayiday in Haweenka ay siyaasadda dalka door muuqdo ku yeeshaan, waxaana uu soo jeediyay in Haweenka fursad loosiiyo ka qeybgalka siyaasadda
Sidookale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay Abawaanada iyo Fananaiinta Somaaliyeed sida ay u taageereen qaraarka ay diyaariyeen Xildhibaanada Haweenka ah ee kujira Baarlamanka Soomaaliya.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa mudoyinkii dambe dadaal ugu jiray in Siyaasadda ay ku yeeshaan qoondo ka badan inta ay hada ku leeyihiin.