Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo sheegtay iney dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheecisay in 23 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen dagaal ciidamada ammaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Al shabaab ay jab xoogan ugu geysteen deegaanka Jireey ee ka tirsan gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dileen 23 ka tirsan Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray inay nolosha ku qabteen 13 kale, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad milateri.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Maxamed Aadan Cismaan ayaa xusay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacmay 7 askari, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku jiraan kuwa qabo dhaawacyo fudud.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay inay baacsadeen maleeshiyaadkii Shabaab ee duulaanka  soo qaaday, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ammaanka ee Galmdugu ay markasta ka go’antahay inay cirib tiraan haraadiga Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka wada hadleen iskaashiga iyo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

 

Previous Post

Xuska maalinta Qaaxada oo Galkacyo lagu qabtay “Sawiro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In