Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta Qarankaย ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo sida uu yiri.
โKaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda Federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdishoโayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.