Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Soomaaliya iyo Sweden oo hishiis iskaashi kala saxiiday -SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Dowlada Soomaaliya iyo Sweden oo hishiis iskaashi  kala saxiiday -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo madaxda laanta istaatiskada Sweden ayaa si wadajir ah u kala sixiixday hishiis mudo afar sano ah kaas oo Dowlada Soomaaliya ka caawin doonto go’aanada  cilmga ku qotomo, sida  tirakoobka dadka, iyo ilaha dhaqaalaha, waxaana hishiiskan ku baxaya malaayiin lacag ah.

Mashruucan ayaa ah mid muhiim u ah  dowlada Soomaaliya marka la gaaro xilliga doorashooyinka  taas oo guud ahaan la xaqiijin karo marka la helo tiro-koob sax ah, iyada oo hishiiskan uu sidoo kale qeyb ka yahay  dib u dhiska xarunta istaatiskada ee wasaaradda qorsheynta  Soomaaliya si loo gaarsiiyo  guud ahaan dalka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Ceynta ayaa warbaahinta qaranka  u sheegay in hishiiskan uu yahay mid dib loo soo nooleeyey dhowr iyo labaatan sano kaddib  maaddaama dowladda Sweden ay horay dowladihii dalka soo maray wixii ka horeeyey 1991dii ay ka caawin jirtay arrimaha istaatiskada , waxa uuna  rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda iyo maamullada dalka ka jira ay ka faa’iideysan doonaan hirgalinta xaruntan.

Sidoo kale wasiirka  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Ceynte  waxa uu  la kulmay Wasiirka  horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Sweden Isabella Lövin, waxa ayna taageertay hishiiska cusub ee maanta sida rasmi ah Somalia iyo Sweden u kala saxiixdeen, iyada oo hishiiskan ku tilmaamtay in uu yahay mid sii xoojinayo xiriirka labada dal.

Mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali Ceynta Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah  ayaa sidoo  kale kulan ballaaran la qaatay hay’adda deeqaha iyo  horumarinta caalamiga ah u qaabilsan sweden ee SIDA.

cen1 cen2 cen3 cen4 cen5

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 30 03 2015

Next Post

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Next Post
Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In