Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Soomaaliya iyo Sweden oo hishiis iskaashi kala saxiiday -SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 31, 2015
in Wararka
0
Dowlada Soomaaliya iyo Sweden oo hishiis iskaashi  kala saxiiday -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo madaxda laanta istaatiskada Sweden ayaa si wadajir ah u kala sixiixday hishiis mudo afar sano ah kaas oo Dowlada Soomaaliya ka caawin doonto go’aanada  cilmga ku qotomo, sida  tirakoobka dadka, iyo ilaha dhaqaalaha, waxaana hishiiskan ku baxaya malaayiin lacag ah.

Mashruucan ayaa ah mid muhiim u ah  dowlada Soomaaliya marka la gaaro xilliga doorashooyinka  taas oo guud ahaan la xaqiijin karo marka la helo tiro-koob sax ah, iyada oo hishiiskan uu sidoo kale qeyb ka yahay  dib u dhiska xarunta istaatiskada ee wasaaradda qorsheynta  Soomaaliya si loo gaarsiiyo  guud ahaan dalka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Ceynta ayaa warbaahinta qaranka  u sheegay in hishiiskan uu yahay mid dib loo soo nooleeyey dhowr iyo labaatan sano kaddib  maaddaama dowladda Sweden ay horay dowladihii dalka soo maray wixii ka horeeyey 1991dii ay ka caawin jirtay arrimaha istaatiskada , waxa uuna  rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda iyo maamullada dalka ka jira ay ka faa’iideysan doonaan hirgalinta xaruntan.

Sidoo kale wasiirka  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Ceynte  waxa uu  la kulmay Wasiirka  horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Sweden Isabella Lövin, waxa ayna taageertay hishiiska cusub ee maanta sida rasmi ah Somalia iyo Sweden u kala saxiixdeen, iyada oo hishiiskan ku tilmaamtay in uu yahay mid sii xoojinayo xiriirka labada dal.

Mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali Ceynta Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah  ayaa sidoo  kale kulan ballaaran la qaatay hay’adda deeqaha iyo  horumarinta caalamiga ah u qaabilsan sweden ee SIDA.

cen1 cen2 cen3 cen4 cen5

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 30 03 2015

Next Post

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Next Post
Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In