Dhismahaan madaxtooyada cusub oo laga hirgeliyey magaallo madaxda gobolka bakool ee xuddur waa madaxtooyadii sedexaad ee maamulka koofur galbeed uu ku yeesho sedexda gobol uu ka arramiyo, waxana maal gelisey dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ka go’an tahay dib udhiska dalka iyo daadejinta maamulka.
Magaalada xuddur oo ah caasimada gobolka bakool malahayn guri marti ama madaxtooyo booqashadii Ra’iisulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre xuddur ku yimid ayaa fursad unoqotay waana qeyb ka mid ah balanqaadkii Reysul wasaaraha oo la hirgeliyey.
Bulshada gobolka bakool ayaa dhismahaan cusub ee madaxtooyada oo dowlada Soomaaliya hirgelisey u arka in ay fursad weyn utahay gobolka bakool wixi hada ka dambeeyana ay martagelin doonto kulamada caalamiga ah ee dalka ka dhaca.
Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa dhowaan xariga ka jaray xaruunta madaxtooyada intii uu boogashada ku joogay magaalada xuddur waxaana uu dowladda dhexe uga mahadceliyay doorkii ay ka qaadatay dib ushiska xaruntaan oo gobolka muhiimka u ah.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa doorka wanaagsan oo ay dowladda Soomaaliyeed ka qaatay dib udhiska xarumaha danta guud gaar ahaan guryaha martida sedexda gobo lee Koofur galbeed waana sidoo kale guul usoo hoyatay shacabweynaha koofur galbeed iyo fursad soo korortay.Ayu ku daray Madaxweyena (Lafta -Gareen).
Magaalada Xuddur waxay ku taalaa bartamaha gobolka bakool waxa hoostaga 5 degmo oo min 90km ujira waxayna xigtaa dhinaca xudduda Soomaaliya la leedahay dalka Itoobiya, waa magaalo martisoorka ku caambaxday hase yeeshee malahaeyn xarunta madaxtooyada oo martida lagu qaabilo, markay wafuud balaaran ay booqato, waxa lageyn jirey guryo gaar loo leeyahay, dowlada Soomaaliya ayaa caasimada gobolka bakool ka xaqab tirtay baahidii uqabay xarunta madaxtooyada.