Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay xaaladda Xadka labada Dal.

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay xaaladda Xadka labada Dal.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ka hadlay wada xaajood ku saabsan muran ka dhashay Derbiga ay Dowladda Kenya ka dhisayso inta u dhexeysa  Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera Kenya.

Guddoomiyaha Gedo Maxamed Muxumad  Maxamed oo lahadlay SONNA, ayaa sharraxaad ka bixiyay kulan gaar ah oo dhex maray wafdi ka socda Maamulka Gedo iyo maamulka Mandheera Kenya iyo sidii loo hirgelin lahaa wada hadalkii dhex maray Labada Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Mudane Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inaysan kala maarmi karin Labada Shacab ee Soomaaliyeed, maaddaama uu ka dhexeeyo Dhul daaqsimeed, Ganacsi iyo wax wada qaybsi fara badan, wada hadalladuna ay sii socon doonaan si loo gaaro xal kama dambays ah oo ku aaddan kala xirista Labada Shacab ee Walaalaha ah, wuxuuna intaa raaciyay inay arrinta ugu dambaynayaan Dowladda dhexe.

“Dedaalkaas Boqolkiiba Sagaashan waxaa geliyay Dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo, marka Insha Allaahu dowladda unbaannu kaga war sugaynaa, heshiiska iyo wada hadalka waxaa metesha Dowladda dhexe, iyadaana waqtiga siinaynaa” ayuu yiri  Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay inay ku guda jiraan dejinta xiisadda ka dhalatay Derbiga iyo halka laga dhisayo, isagoo intaa raaciyay inay wadaan baaritaanno ku aaddan sidii loo hubin lahaa wararka sheegaya in lagu soo xad gudbay Ciidda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Maalintii Shalay ay halkaasi gaareen Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur ( Janan), iyagoo wada hadal ku saabsan xallinta xiisaddani la yeeshay madaxda Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha “ waxaa heer gabo-gabo ah noo maraya diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta Qaranka”

Next Post

Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Next Post
Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In