Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay xaaladda Xadka labada Dal.

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlay xaaladda Xadka labada Dal.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ka hadlay wada xaajood ku saabsan muran ka dhashay Derbiga ay Dowladda Kenya ka dhisayso inta u dhexeysa  Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera Kenya.

Guddoomiyaha Gedo Maxamed Muxumad  Maxamed oo lahadlay SONNA, ayaa sharraxaad ka bixiyay kulan gaar ah oo dhex maray wafdi ka socda Maamulka Gedo iyo maamulka Mandheera Kenya iyo sidii loo hirgelin lahaa wada hadalkii dhex maray Labada Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Mudane Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inaysan kala maarmi karin Labada Shacab ee Soomaaliyeed, maaddaama uu ka dhexeeyo Dhul daaqsimeed, Ganacsi iyo wax wada qaybsi fara badan, wada hadalladuna ay sii socon doonaan si loo gaaro xal kama dambays ah oo ku aaddan kala xirista Labada Shacab ee Walaalaha ah, wuxuuna intaa raaciyay inay arrinta ugu dambaynayaan Dowladda dhexe.

“Dedaalkaas Boqolkiiba Sagaashan waxaa geliyay Dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo, marka Insha Allaahu dowladda unbaannu kaga war sugaynaa, heshiiska iyo wada hadalka waxaa metesha Dowladda dhexe, iyadaana waqtiga siinaynaa” ayuu yiri  Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay inay ku guda jiraan dejinta xiisadda ka dhalatay Derbiga iyo halka laga dhisayo, isagoo intaa raaciyay inay wadaan baaritaanno ku aaddan sidii loo hubin lahaa wararka sheegaya in lagu soo xad gudbay Ciidda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Maalintii Shalay ay halkaasi gaareen Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur ( Janan), iyagoo wada hadal ku saabsan xallinta xiisaddani la yeeshay madaxda Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha “ waxaa heer gabo-gabo ah noo maraya diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta Qaranka”

Next Post

Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Next Post
Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Ku dhawaad 500 oo arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In