Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo malmahaan booqadsho ku joogay Dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi la saxiixdeen dhigiisa Arrimaha Dibadda Suudaan Ibraahim Ganduur, heshiiskan oo tilmaaya horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan

Sido kale Wasiirka ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Suudaan, isagoo soo kormeeray habka ay u shaqeysa Safaardda, waxuuna halkaasi kula kulmay Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda ka howl-gala.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026

Mudane Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta Qaranka ugu Warbixiyay heshiiska ay wada saxiixdeen dhigiisa Suudaan ayaa yiri “Waxaa maanta heshiis iskaashi wada saxiixnay Wasiirka Arrimaha Didbadda Suudaan, heshiiskaasi oo tilmamaya in la sameeya guduyo horumariya xiriirka iskaashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan ka dhaxeeya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Jaamacadda Afrika oo ah Jaamacadda ugu badan ay dhigtaan Ardayda Soomaaliyeed, waxuuna Jaamacadda kula kulmay ku-xigeenka Madaxa Jaamacadda isigoo ugu mahadceliyay sida ay mar walba Maamulka Jaamacadda shacabka Soomaaliyeed ugu garab isgaataan dhanka Waxbarashada.

Kulamada uu Wasiirka la qadanyay Mas’uuliyiinta Dowladda Suudaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Siihayaha Safaaradda ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule iyo waliba Safiirka Sudan u Fadhiya Soomaaliya.

Previous Post

Deg Deg R/wasaaraha XFS ” waa sharci daro heshiiska Dekedda Berbera”Dhageyso”

Next Post

Wasiirka Beeraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday beeraha Afgooye “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Beeraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday beeraha Afgooye “SAWIRRO”

Wasiirka Beeraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday beeraha Afgooye "SAWIRRO"

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In