Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Amniga Bariga Afrika ee Yugandha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Amniga Bariga Afrika ee Yugandha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Yugandha ayaa waxaa ka soconaya shir ku saabsan Ammaanka wadamada ku yaala Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto,kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika .

Wadamada ka qeybgalaya shirkan oo gaaraya ilaa 14 wadan waxaa ku jira Soomaaliya oo ka mid ah wadamada sida gaarka ah diiradda loogu saari doono shirkaasi gaar ahaan tayaynta Ciidamada Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Ajandayaasha ugu badan ee shirkaasi horyaala ayaa ah amniga oo dhinacyo kaladuwan looga hadlayo sida iskaashiga sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha ay bulshada kala kulmaan kooxaha Argagixisada ee Alshabaab.

Korneel Muuse C/qaadir  Xasan oo ka tirsan hoggaanka xiriirka dibadda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa sheegey in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.

“Shirkan waxaa ka qeybgalaya 14 dalka oo Bariga Afrika ku yaala,ka Soomaali ahaan, aad ayuu muhiimad uu inoogu leeyhaay waxaana loooga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliya, loona qalabayn lahaa si ay Ammaankooda u la wareegaan, waxaana geba gebada imaan doona Wasiirrada amniga ama arrimaha gudaha ee wadamadan shirka ka qeybgalaya”, Ayuu yiri Korneel Muuse.

Wadamada Yugandha iyo Kenya oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa ka mid ah wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Previous Post

Ciidamada Kumandooska Danab ee XDS oo duqeyn ku dilay maleeshiyaad ka tirsana Al-shabaab

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In